Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa maalmihii ugu dambeeyay goobo badan oo ku yaalla la dhigay dhagxaan jidgooyo ah,kaddib markii ay soo kordheen falalka ammaanka lidka ku ah.
Goobaha dhagxaantaas la dhigay waxaa ka mid ah, waddada isku xirta KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas dhawaan ka dhacay qarax lagu weeraray ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online, oo saakay soo maray waddadaas ayaa soo sheegay in waddada ay ka socoto, dhagax qaadid iyo dib u dhis.
Waxaana waddada lagu arkayaa shaqaale ajaaniib iyo Soomaali ah, kuwaasoo ku howlan dhismaha waddada, waxaana wariyaha uu lee yahay, wadadaas waxaa laga dhigayaa mid ay baabuurta u socdaan Midig iyo Bidix, waxaana laga kala barayaa dhexda.
Dad badan ayaa u heestay dhagxaanta la dhigay waddada in ay tahay mid ammaanka lagu xoojinaayo,waayo ciidamo iyo xarun ayaa halkaas laga dhisay, balse sidaas ma ahan.
Si kastaba, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan dhagax dhigay waddadan oo ay dhiseeso dowladda Turkiga.
Dad badan oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa rajo fiican ka muujiyay in iyana la furi doono wadooyinka muhiimka ee weli xiran, waxaaana ka mid ah waddada isku xirta KM4 iyo isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho