Muqdsho (Caasimada online) Degmada Kaxda ee gobolkan banaadir isla-markaana ah degmadii ugu dambeyay ee Muqdisho kusoo biirta ayaa haatan waxaa laga bilaabay qorshe lagula dagaalamayo Daawashada dhalinta ee Filimaanta hindiga ah iyo Ciyaaraha.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shaneemooyinka degmadaasi laga furay ay dhibaato ku hayaan waxbarashada caruurta , waxaana ay tilmaameen in hadii ay sii shaqeeyaan ay dhibaato ku tahay horumarka dhalaanka degmada.
Nabadoon C/naasir Cali oo kamid ah Odayaasha Degmada Kaxda ayaa wuxuu inay Degmada ka bilaabeen howlgal lagu bur-burinayo dhalooyinka laga daawado aflaanta gaar ahaan kuwa yaala goobaha shaneemooyinka ah ee dhawaan Degmadaasi laga furay.
Wuxuu sheegay in arinta degmada kusoo korartay ay kulan ka yeesheen waxgaradka iyo odayaasha degmada isla-markaana ay go’aan mid ah ku gaareen inay ka hortagaan.
Bur-burinta goobaha Shaneemooyinka ah ayuu shaaca ka qaaday in iminka yagoo iskaashi la sameynaya Maamulka degmada inay bilaabeen haatana dhow xabo ay bur buriyeen walin a ay ku howlanyihiin .
Inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa aad xiiseeyaa daawashada Aflaanta hindiga ah iyo sidoo kale Ciyaaraha kubada cagta ah .
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho