Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka ayaa ku guuleystay inuu dadkii lahaa ku wareejiyo ilaa 30 boos oo 25 sano xoog looga haystay, dhulkaasi oo ku yaal xaafada Buulo Xuubey ee dagmada Wadajir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa muwaadiniintii iska lahaa dhulkaasi ee mudada 25-ka sano laga haystay ku wareejiyay, isagoo u rajeeyay in wixii hadda ka danbeeya ay nolo wanaagsan kula noolaan doonaan guryahooda.
Xasan Maxamed Xuseen ” Muungaab” ayaa sheegay in maamulka G/banaadir uusan ogolaan doonin in si sharci daro ah looga haysan karin dadka gurayhooda ka qaxay ama xoog looga haysto.
Tan iyo markii Muungaab uu xilka qabtay, waxaa uu ku dhawaaqay guddi gaar ah oo qaabilsan isu celinta hantida la kala haysto, iyadoo markaasi wixii ka danbeeyay qoysas badan dhulkooda dib loogu celiyay.










