Muqdisho: Sarkaal si dhow ula shaqeynayay ciidamada Mareykanka oo qarax lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah, ayaa waxa uu galabta ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo xoogiisa inta badan laga wada maqlay intabadan magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada loo yaqaano Tarabuush.

Qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidamada uu tababaray Mareykanka, kaa oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage).

Sarkaalka gaarigiisa loogu xiray Qaraxa ayaa ugeeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, waxaana lasoo warinayaa inuu kamid ahaa Saraakiisha sida gaarka ah ula shaqeysa Mareykanka.

Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Marxuumka Qaraxa lagu dilay uu heystay qeybta Tababarada ee Ciidamada loo yaqaano Bangraft ee ku sugan Xerada Balidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka iyo Maamulka Degmada Wadajir ayaan wali ka hadal Qaraxa ka dhacay Xaafad kamid ah Degmada Wadajir iyo Geerida Sarkaalkan lagu magacaabo Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com