Muqdisho: Taliye madaafiic laga soo riday degmadiisa oo shaqada laga joojiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii ciidamada booliska ee saldhiga degmadaasi.

Taliska ciidamada booliska ayaa shaqo joojintaasi ku sameeyay taliyaha booliska ee saldhiga degmada Dayniile Macalin Faarax, waxaana la sheegayaa in baaritaano kale ay socdaan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada booliska ee saldhiga degmada Dayniile shaqada looga joojiyay kadib markii la sheegay in degmada laga soo tuuray madaafiic waxyeelo kala duwan geystay, islamarkaana isaga uusan waxba ka qaban dadkii fuliyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiicdii ugu dambeysay ee ku dhacday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya laga suu tuuray meel ku dhow saldhiga degmada Dayiile, taasi oo su’aalo badan keentay.

Macalin Faarax oo ah taliyaha ciidamada Booliska ee shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa beeniyay in degmada laga soo tuuray madaafiicda, waxaana hadda si KMG ah xilkaasi loogu dhiibay sarkaal ka tirsan ciidamada oo lagu Magacaabo Xasan Cali.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay inaysan wali soo qaban dadkii ka dambeeyay madafiicda laga soo tuuray degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana socda baaritaano ciidamada amaanka ay sameynayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com