Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa diidmo xoogan iyo muran ka keenay xubno la sheegay inuu raโiisul wasaare Saacid u doortay inay xilal ka qabtaan golaha wasiirada, taasi oo dib u dhac ku keentay in si rasmi ah loogu dhowaaqo golaha wasiirada.
Muranka beelaha ayaa salka ku haya xulashada raโiisul wasaaraha ee ah in dad isaga uu doonayo uu jagooyin siiyo, halka beelaha qaarna ay ku doodayaan in ayaga loo madax baneeyo in cidda ay doonayaan ay la yimaadaan.
โInkasta oo beelaha wax diidan la siiyay xubno wasiiro ah, haddana waxa ay ka qeyliyaan in dad ay wataan madaxweynaha iyo raโiisul wasaaraha magacooda wax lagu siiyay, waxayna doonayaan in xubnahooda ay ayaga soo xushtaanโ ayuu yiri masโuul dowladda ka tirsan oo la halday Caasimada Online.
Xubnahaas badankood ayaa ka socda bulshada rayidka, halka qaar kalena ay ka yimaadeen kooxda Dam Jadiid, sida aan xogta ku helnay.
Warar kale ayaa sheegaya in beelaha qaarkood loo ogolaaday in ayaga ay soo xushaan xubnahood, halka qaar kalena laga diiday, waana taas sababta ku dhowaaqsita golaha wasiirada ay waqti u qaadaneyso, dib u dhacyo badanna ay ugu yimaadeen.
Waxaa sidoo kale muran keenay haweenka oo kaliya hal wasiir loo qoondeeyay.
“Waxaan dowlada ku leenahay 30%, hase yeeshee waxaa golaha wasiirada ku jirta kaliya hal haween, sida ku cad liis horu dhac ah” ayay tiri mid ka mid ah haweenka Bulshada Rayidka ah oo intaas ku dartay โMarnaba ogolaan meyno in xaqeena nala duudsiiyoโ
Dhinaca kale murankii ka dhaxeeyay madaxweynaha iyo raโiisul wasaaraha ee ku aadanaa tirada golaha wasiirada ayaa la dhameeyay, inkasta oo aysan inoo suurta galin inaan helno tirada rasmiga ah.
Sidoo kale waxaan xog ku helnay in kasta oo kooxda madaxweynaha ee Dam Jadiid, aysan heli doonin tiradii ay golaha wasiirada ka filayeen, haddana ay qaadan doonaan xubnaha ugu muhiimsan.
Si kastaba, raโiisul wasaaraha ayaa wada wada tashiyo xoogan, si uu u xaliyo khilaafyada uguna dhowaaqo golaha wasiirada, waxaana la sheegayaa inuu ugu dambeyn xaliyay muranada kuna dhowaaqi doono golahiisa wasiirada.