Muranka Xasan & Cabdi Weli oo abuuri kara mashaqo qaran (Cabsi jirta)

Cakirnaan Siyaasadeed, Calawsanaan Maamul, Ficiltan Shaqsiyaadeed, Gocasho raad-raacyo qallafsan leh iyo Ifafaalo aan rajo lahayn ayaa laga dareemayaa Jawiga guud ee dalka Somalia.

Xafiisyadda Madaxweynaha, Ra’isul-wasaaraha iyo kuwa Ergooyinka Caalamiga ee u xil-saaran Arrimaha Somalia intaba waxaa maalmahan ka soo baxay hadallo mutaxan oo sii ololin kara khilaafka siyaasadeed ee la hadal-hayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed ka dhexeeyo.

Maalmo qaloocan ayaana laga dhex arki karaa Masraxa Siyaasadda iyo Maamulka Qaranka, waana khilaaf meerto lama dhaafan u noqotay hadba Madaxda Qaranka ee la soo doorto.

Khilaafkii Madaxweynihii geeriyooday, Allaha U Naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul-wasaarayaashii la soo shaqeeyey ee Prof. Geeddi iyo Kornel Nuur Cadde ayaa la dhihi karaa waxay dhidibadda u aaseen Taalladda Muranka ee Madaxda Qaranka.

Wareegga Muranka ee Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha ayaa waxaa lagu sifeyn karaa inuu salka ku hayo ficiltan, rabitaan shaqsiyadeed, mid kooxeed ama wax ka badan iyo Hamiga Tartanka Awoodaha, Ra’yiga dhinacyadda Isku-shaandheynta iyo magacaabista Xilalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegayo inuu muranka sii laba lixaadsanayo tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Ergooyinka Gaarka ee QM, EU iyo Urur-gobaleedka IGAD ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia soo saareen Warka Wadajirka oo ay ku soo bandhigeen arrimo badan oo ay ku jiraan qoddobo xasaasiyad lahaa, taasi oo Labada Mas’uul ku sii kala fogaadeen.

Guuxa Siyaasadda ayaana laga dareemi karaa inuu saamayn ku yeeshay dadka rayidka, oo iyagu maxfal kasta ku hadal-haya Murankaasi iyo khatarta ka dhalan kartaa Loolankaasi oo naafayn kara dadaalka Dowladda iyo Hawlihii loo idmaday.
Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Jawaari oo isaga xiriir fiican oo wada-shaqeyn la leh Labada Mas’uul, ayaa waxa uu haatan maarayn la’ yahay sidii xal loogu heli lahaa Mashaqadda Siyaasadda ee Taagan.

Xusul-duub kasta oo Siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu dhameeyo muranka Madaxda Qaranka ayaa la hadal-hayaa inaan xilligan lagu guuleysan Karin, waayo waxaa muuqata inay Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha aragti ahaan ku sii kala tagsan yihiin, iyo iyagoo dhufeysyo Isbahaysi samaysanayaan.

Waxaana macquul ah inay labada dhinaca taageero ka kala helayaan sokeeye iyo shisheeye, mana kala cadda ilaa iyo haatan dhaqdhaqaaqyadda hoose iyo dadka daaha gadaashiisa wax ka hagayo.

Markaynu isku soo duubno, Beesha Caalamka go’aan ayey ka qaadan doonaan haddii ay xasaraddan sii ololayso, waxayna faragelin ka imaan kartaa Dowladaha deriska oo iyagu horey Dowladihii KMG u ahaa Marjaca ay ka go’aan qaataan.

Filo ama ha filanin, Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh waxay isku haystaan waa danno shaqsiyadeed, oo hadday danno qaran isku hayaan waxaa hubanti ah inuu midkooda samri lahaa ama u tanaasuli lahaa Danta Qaranka.

Laakiin, Ficiltankooda waxay u muuqdaan inay ka halbeeg qaadanayaan Masraxii Muranka ee Madaxdii kaga horreysay xilalka ay haatan isku maan-diidsan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com