Madaxweyne Museveni oo wiilkiisa u magacaabay xil sare xilli uu jiro tuhun xooggan

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda.

Ku dhawaaqista wasaaradda gaashaandhigga ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda.

Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabihiis oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku dakeynayaa dallacsiin deg-deg ah oo uu ka gaaray darajada ciidamada Uganda.

Hadal laga tiray sannadkii hore barta X (ex-Twitter) Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo madaxweyne Uganda doorashada 2026.

Kadib muran 2022 ka dhashay qoraal uu Kainerugaba ugu hanjabay Kenya, Museveni oo 79 jir ah, ayaa damcay inuu xakameeyo wiilkiisa, isagoo u sheegay “inuu ka fogaado baraha bulshada marka ay timaado arrimaha gobolka.”

Si kastaba, Museveni oo Kenya ka raali-geliyay dhacdadaasi ayaa difaacay Wiilkiisa keliya ee uu dhalay, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay “Jeneraal aad u wanaagsan”, islamarkaana uu darajadaas gaadhsiiyay maalmo uun kaddib markii uu khilaafku soo shaac baxay.