Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa Salka ku hayay adkeynta xiriirka labada dalka iyo in Xassan Sheekh talooyin laga siiyo doorashada la filaayo in Somalia ay ka dhacdo.
Yoweri Museveni iyo Xassan Sheekh ayaa si gaar uga wada hadlay xiriirka waxa uuna Museveni ballanqaaday in wakhtiga uusii heyn doono Madaxtinimada uu sii laba jibaari doono xiriirka Somalia kala dhexeeya.
Museveni waxa uu Xassan u ballanqaaday in garab uu ka geysan doono doorashada ka dhici doonta Somalia, waxa uuna Xassan usoo jeediyay tallooyin ay kamid tahay inuu iska ilaaliyo in wakhti dheeraad ah uu ku darsado mudada xilka uga harsan.
Museveni waxa uu Xassan Sheekh kula taliyay inuusan burburin rajada Somalia, isaga oo ugu baaqay inuu iska fogeeyo eed iyo kacdoon, taasina looga gaashaamankaro in wakhtiga doorashada uu ilaaliyo, sida uu Yoweri Museveni haddalka u dhigay.
Wafdi Khubaro ah oo Dowlada Somalia kala shaqeeya diyaarinta doorashooyinka ayuu sheegay inuu siin doono Dowlada si uu yiri ay u saxaan khaladaadka dhicikara.
Xassan Sheekh ayaa soo dhaweeyay waxa uuna Yoweri Museveni mar kale ka dalbaday inuusan ka jiifan ballanka ah in garab uu kusiiyo sida uu mar kale kusoo laaban lahaa.
Xassan ayaa soo dhaweeyay balamaha uu ka helay Yoweri Museveni, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inuu ka adkeyn doono axdiga.
Dhanka kale, kulankaani ayaa noqonaaya kii labaad oo labada mas’uul dhexmara tan iyo markii ay dhacday munaasaba.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]