Museveni oo xil ka qaadis ku sameeyay xubin milateriga u qaabilsanaa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Ugandha Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah xilalka uga qaaday Saraakiisha Milliteri ee xilalka Sare ka hayey dalkaasi.

Madaxweyne Yoweri Kaguta ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, ayaa wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Saraakiil dhowr ah oo dowladiisa u qaabilsanaa xiriirka Militery ee Safaaradaha.

S/Guuto Richard Karemire oo ah Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, ayaa sheegay in Saraakiisha xilalka laga qaaday ay kamid yihiin u qeybsamayaasha dhinaca Milliteriga ee Safaaradaha ay Ugandha ku leedahay Somalia iyo Sudan.

Saraakiisha xilka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah u qeybsanihii dhinaca Milliteriga ee Safaarada Uganda ee Somalia, Colonel Omero Tingira Irumba.

Colonel Omero oo laga qaaday xilka uu u hayay Safaarada Ugandha ee Somalia ayaa waxaa loo magacaabay uqeybsanaha Milliteriga Safaarada Uganda ee Sudan.

U qeybsamaha cusub ee Safaaraadda Uganda ee Muqdisho waxaa loo soo magacaabay S/Guuto Joseph Lucky Kidega.

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, S/Guuto Richard Karemire, ma cadeyn sababaha keenay isku shaandheyntaasi, balse Ciiddanka ugu badan ee dalka Uganda waxay Hawlgalo Nabad-ilaalin ah u joogaan dalalka Somalia iyo Koongada Dimquraadiga.

Dowlada Ugandha ayaa Somalia ka damacsan Siyaasad amni oo aad u fog, waana tan sababta u ah in dowladu ay xooga saarto isbedelada Saraakiisha Militery ee u qaabilsan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com