Garoowe (Caasimada Online)-Ciidamada maamulka Puntland ayaa xabsi dhigay mid kamid ah Musharaxiinta u tartamaysay doorashada aqalka hoose ee Somalia Cabdixabiib Yaasiin Warsame.
Ciidamada ayaa Musharaxa xiray wax yar ka hor intii aysan bilaaban doorashada, waxaana la sheegay in ujeedka xariga uu ahaa in laga reebo Doorashada.
Musharaxa ay xireen ciidamada ayaa waxaa xabsiga laga soo daayay kadib markii ay dhamaatay Doorashadii uu ku tartamaayay.
Musharaxa ayaa sheegay in xarigiisa uu ka danbeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in C/wali Gaas uu Taliyaha Booliska ku amray in lasoo xiro.
”Anigoo kusii jeeda goobta doorashada ayaa waxaa isoo dul istaagay gaari ciidan waxaana leygu amray inaan gaariga fuulo, kadibna waxaa leygeeyay Saldhiga”
”Waxaan xirnaa keliya inta ay doorashadu soctay waxa uuna ujeedka ahaa in leyga reebo doorashada Aqalka Hoose”
Cabdixabiib Yaasiin Warsame, ayaa waxaa Booska looga xanibaayay Xaawo Yuusuf Axmed oo inta uu xirnaa Musharaxa kusoo baxday Doorashada.
Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Caasimadaha Gobolada dalka ayaa inta badan ku socda qaab musuq-maasuq ah.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]