Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen ayaa sheegay inuu diyaar u yahay doorashada 11-ka Bishan Janaayo lagu dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Isagoo farriin cusub soo diray ayuu ku sheegay inuu heysto codadka 160 xildhibaan, kuna rajo weyn yahay inuu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
C/rashiid Xiddig oo ka soo jeeda Beesha Ogaadeen ayaa taageero ka heysta Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo ku adkeystay musharaxnimadiisa isla markaana diiday tallooyin uga yimid madaweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Dad badan ayaa aaminsan in musharaxnimada C/rashiid Xiddig ay la mid tahay tii doorashadii 2012 guddoomiye Baarlamaan loogu sharxay Cali Khaliif Galeyr, laakiin natiijo ahaan uu aad uga hooseyn doono.
Haddii Xidig uu ku guuleysto in loo doorto guddoomiyaha baarlamanka waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto madaxweyne iyo ra’iisul wasaare oo ay kala qaadan doonaan Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]