Marka hore Salaam Qaaliya (Asc). Marka xiga waa ra’yi ka dhiibanya argatideyda ku aadan shuruudara ay tahay in lagu xujeeyo qofka raba inay Madaxweyne uu doorto Baaarlamaanka 10aad ee golaha shacbiga Soomaaliyeed iyo Aqalka Sare, waxaan is leeyahay hadii la hor dhigo siyaasiyiinta doonaya inay qabtaan jagada Madaxweynaha Soomaaliya shuruudaha soo socda iyo qaar kale oo jiri kara intuba waxay wax weyn ka tari karaan in lala xisaabtamo ninka Madaxweyne dalka ka noqda, aan ku bilaabo:
1)Marka ugu horeysa u tartamuhu waa inuu soo gudbiyaa hantidiina iyo tan ehelkiisa si loogula xisaantamo hanta farbadan oo uu hadhow keydsado.
2)Waa inuu cadeeyaa saaxiibadiisa gaarka ah, ama cidda uu xiriirka khaaska ah la leeyahay si loo hubiyo inaanay xogta dawladu gacata u gelin cid aan mudnayn.
3)Waa inuu cadeeyaa ururka ama xisbiga uu siyaasiyan ka tirsanyahay.
4)Waa inuu cadeeyaa haduu jiro xiriir kala dhexeeya Dawlad shisheeye.
5)Waa inuusan laaluush ku bixin si uu jagadaas u helo.
6)Waa inuusan lahayd raadraac(Record) xun.
7)Waa inay noqotaa Dawladiisu mid samatabixin karta ummadda Soomaaliyeed.
8)Waa inuusan noqon nin xukunka maroorsada, ee uu u daayaa cid walba shaqadeeda laakiin uu kula xisaabtamaa.
9)Waa inuu la yimaadaa barnaamij hawleed wakhtiyeysan, isla markaana lagula xisaabtamaa hawl walbaa inay ku fushay sidii loogu talo galay iyo wakhtigii loogu talo galay.
10)Hawl walba oo qaran waa inay u fushaa sida ugu dhaqso badan.
11)Waa inuu cadeeyaa goorta uu soo dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah.
12)Waa inuu cadeeya goorta Axsaabta siyaada la sharciyeynayo.
13)Waa inaanu Madaxweynuhu ka sarayn sharciga.
14)Waa inaanu ku shaqayn Musuq maasuq iyo nin jecleysi.
15)Waa inuu xadidaa safariisa dibeda uu ku aadayo.
16)Waa inuu dhageystaa ra’yiga dadweynaha waxii suuragal ah ku dhaqmaa.
17)Waa inuu fuliyaa dhamaan balamaha shaqo ee uu sameeyo.
18)Waa inuusan noqon mid laga hago wadamo iyo hay’ado shisheeye.
19)Waa inuu noqdaa nin leh baybad Madaxweyne.
20)Waa inuu daacad u yahay Dalka iyo Dadka soomaaliyeed kana dhabeeyaa dhaartiisa.
21)Labo sano gudohood waa inuu ku sameeyaa dib u heshiisiin dhab ah ee dadka Soomaaliyeed.
22)Qaynuunka wadanka u degsani waa inuu noqdaa mid si sax ah loogu dhaqmaa, ciddii ku geftana qaynuunka lagu xukumaa.
23)Waa inuu noqdaa qof ka warqaba maxkamadaha iyo qaabka ay u shaqaynayaan il gaar ahna ku hayaa
Intaas iyo intii kale ee macquul ah ee lagu dari karo waa in la hordhigaa Musharixiinta Madaxweyn marka ay jeedinayaa khudbadooda lana weydiiyaa su’aalo khuseeya wax qabadkiisa, isla markaan ay saxiixaan si hadhow Baarlamaanku uu ugula xisaabtamo waxii uu balan qaaday iyo waxii macluumaad ah ee uu bixiyey.
W/Q: Farah Abdi Guled
Bosaso, Puntland, Somalia
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com