Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah, kuwaa oo loolan adag ugu jira sida ay ku hogaamin lahaayen Hogaanka dalka.
Musharaxiinta ugu badan ee madaxtinimada doonka ah, ayaa kasoo jeeda Beesha Hawiye oo xilal kala gadisan kasoo qabtay dowladihii hore iyo tan iminka gabalkeeda uusii dhacay.
Musharaxiinta Beelaha Hawiye oo kulama kala duwan la qaatay Odayaasha Hawiye ayaa ku gacanseeray codsi la xiriira isku tanaasul oo ay soo jeediyeen Odayaasha, kadib markii la tilmaamay in tiradooda sii kordheysa ay hoos u dhac ku keeni doonta rajadii laga qabay in Afarta Sano ee soo socta uu dalka Hogamiyo Madaxweyne Hawiye ah.
Musharaxiintu waxa ay ku andacooden in mid waliba uu leeyahay nasiib u gaara, sidaa darteedna ay ahmiyad u leedahay inaanu la sameyn wax tanaasul ah.
Xiliga Doorashada ka hor ayaa waxaa la doonayaa in cadadka Musharaxiinta ay noqdaan kuwo macquul ah, waxaana loo baahan yahay ugu badnaan 9 Musharax oo si siman u qeybsada codadka Xildhibaanada.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn sababta ka danbeysa in Musharaxiinta Hawiye u muujin la’ yihiin Tanaasulka dhexdooda ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]