26.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Musharaxiinta oo tartan ugu jira sidii Gabre looga eryi lahaa Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka ayaa loolan adag ugu jira sida dalka looga saari lahaa Gen. Gabre oo la sheegay inuu dadaal dheer ugu jira sida uu ku fashilin lahaa Horumarada ay ku talaabeyso Somalia.

Musharaxiinta xilka Madaxweyninimo u taagan ayaa gabi ahaan ka siman in haddii la doorto ay dalka ka eryin doonaan Gabreoo la rumeysan yahay inuu caqabad ku yahay horusocodka dalka Somalia.

Musharaxiinta qaar ayaa qaba in Somalia ay ku hor mari laheyd muddo kooban haddii uusan dalka ku sugnaan laheyn Gen. Gabre oo Dowlada Ethiopia u qaabilsan sii kala fogeynta Soomaalida isku baheysaneysa Qaranimada.
Gabre qudhiisa ayaa ku mashquulsan sida uu kusoo saari lahaa

Musharaxa ay wadato Dowlada Ethiopia si uu uga badbaado Hanjabadaaha kaga imaaneysa dhanka Musharaxiinta.

Gabre ayaa walwal badan ka qaba in Doorashada dhici doonta 8 Bisha aan ku jirno  uu kusoo bixi waayo Musharaxa ay liijaanka u heyso Ethiopia, maadaama Baarlamaanka Somalia ay ku badan yihiin Xildhibaanada isbedel doonka ah ee sida ba’an kaga soo horjeeda Gumaadka ay ku jirto Somalia.

Gabreayaa Siyaasada Somalia dhexda uga jira tan iyo markii Dowlada Somalia laga soo guuriyay magaalada Carta ee dalka Djabuuti, waxa uuna ilaa iyo iminka hayaa faragalinta Siyaasada Somalia.

Musharaxiin uu kamid yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ballanqaaday in Gen. Gabre uusan kusii nagaan doonin Somalia muddo intaa kabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News