26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Musharaxnimada Shariif Xasan iyo dagaalka ku socdo beelaha Hawiye (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne dowlada Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo haaya xilka madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Maalintii shalay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa baarlamaanka maamulkaasi waxay ka aqbaleen inuu isku sharaxi karo xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya, kadib markii uu weydiistay.

Kadib markii xildhibaanada u ogolaadeen inuu isku sharaxi karo xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay su’aalo badan oo la xiriirtay inuu ka tagayo xilka madaxweynaha Koofur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa isaga oo ah madaxweynaha koofur Galbeed wuxuu u tartami doonaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna taasi caqabad badan ku tahay musharixiinta qaar oo ka baqaya ujeedada ka dambeysa in uu shariif Xasan isa sharaxaa.

Waxaa Warar aan heleyno ay sheegayaan in arintan ay ka dambeyso kadib markii Shariif Xasan laga dhaadhiciyay in sanad walbaa beeshiisa aysan ku qancin xilka afhayeenka baarlamaanka balse ay raadiyaan xilal ka duwan.

Xogaha aan heleyno ayaa ah in la doonayo in beelaha Hawiye aysan ahaan kaliya madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha dalka, oo la doonayo in beelaha Digil iyo mirifle dhankooda xilalkaasi gaaraan.

Shariif Xasan ayaa xilka barlamaanka la doonayo labo musharax oo beelaha Hawiye ah, taasi oo la micno ah haddii baarlamaanka helaan ineysan Hawiye xil kale dowlada ka heli doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News