Musharixiinta Galmudug iyo lacagihii waalida ahaa oo ay siiyeen xildhibaanada (lacagta ka qaad kana codee)

Cadaado (Caasimadda Onlin) –  Maanta waxaa Magaalada Cadaado ka dhacday doorasho taariikhi ah, waxaana guul weyn ka gaaray Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah ganacsade Soomaliyeed kaasoo dadaal badan ku bixiyey sidii uu madaxweyne u noqon lahaa.

Doorashada way  dhamaatay, koleyba hal qof ayaa guuleysan lahaa wuxuuna noqday Xaaf, balse maxaa kala socotaa lacagihii waalida ahaa ee ka baxay Musharixiinta Galmudug ee seddexda ah.

1)  Axmed Ducaale Xaaf:  Waa ganacsade aysan lacagta wax weyn ugu fadhin, wuxuuna Cadaado la imaaday boorso lacag ah iyadoo ay ka go’neyd inuu noqdo madaxwyenaha Galmudug, xogta aan ka heleyno shaqsiyaad aad ugu dhaw dhaw Axmed Ducaale Xaaf, wuxuu xalay saqdii dhexe isku keenay ilaa 59 Musharax oo ku hoyatay meel isaga u gaar ah, wuxuuna Xildhibaan kasta siiyey 7 Kun Dollar, taasoo noqoneyso lacag ku dhaw Nus Malyuun Dollar.

Inkastoo lacagtaas tirada badan ka baxday, haddana wuxuu gaaray meeshii uu tiigsanayey, kamana shanleenayo qarashkii ka baxay maadaama uu helay wixii uu lacagta dhaafsanayey.

2) Axmed Shariif: Waa shaqsi ay isna ka go’neyd inta badan inuu noqdo madaxweynaha Galmudug, wuxuuna bixiyey lacag aan ka liidan midda uu Xaaf bixiyey, Shariif ayaa isna lacag ku bixiyey ilaa 54 Xildhibaan oo uu siiyey mid la mid ah lacagtii uu Xaaf siinayey xildhibaan kasta taasoo ah 7 Kun Oo dollar, waxayna sheekada u muuqatay mid aheyd (Anna kaama liito).

Inkastoo labada nin ay aad isugu dhaweyd lacagaha ay Xildhibaanada siiyeen iyo tirada ay heysteen, haddana Shariif wuxuu qabaa Khasaaro isaga u gaar ah maadaama xildhibaanadii lacagta ka qaatay ay u codeeyeen Xaaf, waxayna ku noqotay niyad jab weyn, waxayna midaas mar labaad dadka soo xasuusisay Khasaarihii Xasan Shiikh kasoo gaaray doorashadii Soomaaliya ka dhacday markaas oo lacag badan laga qaatay, waxaana xilligaas soo baxay sheeko cinwaankeeda aheyd ( Lacagta ka qaad kana codee) maanta sidaas ayaa isna qabsatay Shariif.

Shariif wuxuu ku qasban yahay inuu sabro, meeshana uu ka qaato cashar uusan waligiis hilmaami doonin,  sidoo kalana wuxuu difaac xiran doono marka uu galayo howl noocaan oo kale ah.

3) Prof. Cabdulqaadir Shirwac: Sida magaciisa ka muuqato waa aqoonyahan aad u anfici lahaa Galmudug shacab iyo deegaan ahaan, balse midaas ma dhicin, kaliyana wuxuu u waayey codka Xildhibaanada inuusan dhiibin wax lacag ah marka laga reebo lacagihii uga baxay ololaha doorashada, balse isaga ma jirin Xildhibaan uu lacag siiyey sida aan ku helnay xogta.

Dadka u ololeenayey Shirwac ayaa xildhibaanada ku wargelinayey inusan musharaxaan dhiibeyn wax lacag ah balse uu arki doono inta xildhibaan ee ku doorato aqoonta uu leeyahay.

Shirwac wayba u rooneyd inuu go’aankaas qaato, balse wuu ogaa inuusan cod xildhibaan heli doonin haddii uusan lacag bixin sidaas darteed hadda isaga khasaaro badan ma qabo kaliya waxaa ku dhacday ushii uu filayey.

waxaana go’aanka Shirwac uu qaatay ugu hiilisay kaliya 7 Xildhibaan sida laga arkay natiijada kasoo baxday codbixintii maanta ka dhacday Cadaado.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET