25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Musharraxiin ka horyimid doorashada Waqooyi-Bari kadib arrin ay sameysay DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay si kulul ugu cambaareeyeen faragelin ay sheegeen in dowladda federaalka, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), uu ku hayo hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.

Bayaanka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in “Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, islamarkaana uusan metelin saamileyda deegaanka.”

Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”

Musharraxiintu waxay sheegayaan in guddigaasi uu yahay mid “si gaar ah u adeegaya dano gaar ah, taasoo dhaawacaysa kalsoonida bulshada, beesha caalamka iyo hufnaanta nidaamka doorasho ee maamulka Waqooyi Bari.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in “hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub, iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.”

Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, islamarkaana “aysan suuragal ahayn in la aqbalo hannaan aan lagu dhisneyn wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed oo ay la wada yihiin saamileyda deegaanka.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in “ismimada dhaqanka, culimada iyo odayaasha dhaqanka looga fadhiyo in ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta geeddi-socodka doorashada iyo in laga hortago faragelinta ka imaaneysa dowladda dhexe.”

Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn digniin culus u diray dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in “mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhasha faragelinta hannaanka doorashada ay si buuxda u saaran doonto dowladda dhexe, si gaar ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh).”

Musharraxiinta bayaanka si wadajir ah u saxiixay waxaa ka mid ah:
Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Jamaal Maxamed Xasan, Bashiir Xaaji Cali (Jamaal), Cabdisitaar Sh. Cumar (Maxamed Dhagacadde), Maxamuud Yuusuf Xasan (Gurey), Eng. Maxamed Maxamuud (Beyle), iyo Axmed Cabdi Xuseen (Saakin).

Bayaanadooda ayaa kusoo beegmaya iyadoo maamulka cusub ee Waqooyi Bari si rasmi ah loo dhisay 30-kii Luulyo 2025, kadib shir ballaaran oo ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasoo lagu ansixiyay dastuurka maamulka.Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shirkaasi ku hoggaaminayay matalaadda dowladda federaalka.

Maamulka cusub wuxuu wajahayaa culeysyo siyaasadeed, iyadoo Puntland si adag uga hortimid, iyadoo ku andacootay in dhul ahaan uu ka tirsanyahay maamulka Puntland. Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “dowladda federaalka ay jebineyso dastuurka dalka iyadoo si qasab ah u dhexgaleysa deegaan siyaasadeed oo aanay u bisleyn doorasho rasmi ah.”

Somaliland-na dhankeeda waxay ku tilmaantay dhismaha maamulka SSC “mid sharci darro ah oo ku xad-gudbaya xuduudaha Somaliland.”  

- Advertisement -

Read more

Local News