28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Mustafa Dhuxulow oo qaylo dhaan afka furtay kadib markii e-visa…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka jinsiyadda, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo xalay ka qayb-galay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan afka furtay, isaga oo si adag ugu jawaabay dadka kasoo horjeedo adeegga ay soo kordhiyeen ee nidaamka dal-ku-galka elegtrooniga ah (e-visa).

Dhuxulow ayaa u jawaabay mas’uuliyiin goobta ka hadlay oo ku weeraray habka ay u maareeyeen adeeggan, wuxuuna sheegay in dadkaas ay kasoo horjeedaan dowladnimada.

“Qofka Soomaaliga ah waxyaabo uu ku ciyaari karo iyo kuwo uu san ka hadli karin ayaa jira, tusaale ahaan waxa uu dhihi karaa dhaqaalaha sidaan haloo dhigo balse dowladnimada, Haybadda, Sharafta & Karaamada ma dhaawici karo, ma ahan arrin lagu dhiirran karo, mana la isku dayi kari, barnaamijyada dalka isku keenaya maloo bareeri karo,”. ayuu yiri agaasimuhu.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxa aan la soconaa dadka faafinaya, dadka shaqada waday iyo kuwa taageera Probagandada ka dhanka ah eTAS, waxa dhan waan la soconaa, waxaa halis ah mashaariicda qaranka ee dowladnimada lagu ilaalinayo in meel public ah lagu weeraro”.

Agaasimaha hay’adda socdaalka ayaa intaas kusii daray in uu aa uga xun yahay in la siyaasadeeyo howlaha qaranka iyo lana dhaawaco midnimada dalka, isaga oo u digay dadka kasoo horjeedo mashaariicda waa wayn ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya.

“Waxaa halis mshaariicda qaranka ee dowladnimada lagu ilaalinaa in meel public ah lagu weeraro arrintaas halaga digtoonaado” ayuu mar kale yiri Dhuxolow.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli maamullada Somaliland iyo Puntland ay si adag uga horyimaadeen dal-ku-galka elektaroonig ah ee e-Visa, kaas oo abuuray xiisad horleh.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda haatan ku dhawaaqday in shacabkeeda aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha e-visa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay si rasmi ah u dhammaatay Jimcihii ka dib dadaallo ay sameeyeen wasaaradaha khuseeya.

- Advertisement -

Read more

Local News