25.7 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Mustafe Cagjar oo shaaciyay saamiga ay Soomaalidu ka helayso shidaalka la soo saarayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar ayaa shaaca ka qaaday saamiga rasmiga ah ee ay Soomaalidu ka heli doonaan dakhliga ka soo xarooda shidaalka laga soo saaro gudaha deegaankaas.

Mustafe Cagjar oo hadal ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Itoobiya, oo maanta lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa sheegay in 50% dakhliga ka soo baxa shidaalka iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah lagu wareejiyo Dowlad Deegaanka Soomaalida,

Tan ayuu ku tilmaamay guul weyn, isagoo xusay in ay ku timid dadaal dheer iyo wadaxaajood rasmi ah oo lala yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu xusay in qaybta kale ee dakhliga oo 50% ah, ay geli doonto khasnadda dowladda dhexe, si loogu fuliyo adeegyada guud ee dalka oo dhan laga hirgelinayo.

“Shidaalka deegaanka waxaan ku leenahay 50%, halka 50% ka kale ee heer federaal-na ay qayb naga soo gaadhayso, golayaasha sharciyada ee dalkuna waa ay ansixiyeen,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Nidaamkan ayuu sheegay inuu yahay mid sharci ahaan lagu ansixiyey golayaasha qaranka iyo kuwa deegaanka, ayna tahay arrin lagu caddaaladeynayo qaybsiga khayraadka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Cagjar ayaa si gaar ah u duray dadka dhaliila qorshayaasha maamulka DDS, isagoo sheegay in ay jiraan dad siyaasad ahaan isku daya inay marin habaabiyaan bulshada, si ay u abuuraan sawir khaldan oo ku saabsan sida loo maamulayo khayraadka deegaanka.

“Waxaa nasiib darro ah in dano siyaasadeed ama kuwo shaqsi ay keeneen in dad lagu khaldo xogaha dhabta ah ee ku saabsan shidaalka iyo dakhliga uu keenayo. Dhammaan heshiisyada iyo go’aamada la xiriira arrintan waxaa ansixiyey golayaasha dalka, waana mid si cad oo daahfuran u dhacay,” ayuu yiri Mustafe.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in dakhliga ka soo xarooda shidaalka iyo ganacsiga uu gacan ka geysan doono abuurista shaqooyin cusub, kobcinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay shacabka deegaanka Soomaalida in ay taageeraan qorshayaasha horumarineed ee lagu ilaalinayo khayraadka iyo danaha guud ee shacabka, isagoo ballan qaaday in maamulka uu ka shaqayn doono cadaalad, daahfurnaan iyo horumar waara.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ayaa markii u horreysey faahfaahin faa’idada ay DDS ku leedahay shidaalka laga heley deegaankeeda, isaga oo sheegey in ay leeyihiin kala-badh sida oo kalena ay wax ka heleyaan badhka kale ee ay qaadanayso Dowladda-dhexe ee Itoobiya.

- Advertisement -

Read more

Local News