27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

MUSUQ-MAASUQ: Waa ii sharaf dhac in la igu calaamadeeyo Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa ka socdda wax yaab leh, gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado oo xildhibaanada kuraasta baarlamanka Aqalka Hoose lagu dooranayo.

Waxa ugu yaabka badan ee socda ayaa ah heerka uu gaaray musuq-maasuqa iyo sida kooxda Xasan Sheekh Maxamuud ay ugu awood sheeganayaan musharaxiinta kale ee kasoo horjeeda, ee doonaya in caddaalad iyo cod lagu kala baxo.

Sheekadi ugu yaabka badneyd ayaa xalay Jowhar ka dhacday kadib markii Wasiirka Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux looga cod badiyay wareegii koowaad ee doorashada isagoo oo helay 21 cod, halka Musharaxa kale uu helay 24 cod, ayada oo musharaxa saddexaad uu wareega koowaad ku haray, isagoo helay 7 cod.

Wasiirkan oo ka tirsan Damu-Jadiid ayaa markii uu dareemay in laga badin rabo wuxuu bannaday ama carqaladeeyey doorashada, oo ciidamadiisa ay ka billaabeen goobta rasaas, si aan loo qaban wareega kala baxa.

Maalin kasii horeysana aabaha Damu-Jadiid Faarax Cabdulqaadir ayaa wiil uu adeer u yahay oo su been guur ula tartama iyo ergo usoo qortay keensaday, sidaasna loogu doortay xildhibaan, ayada oo wax tartan ah uusan dhicin.

Cadaado, ayaa taliyaha Nabad-Sugidda Gaafow, wuxuu qasab iyo xoog ku doortay walaalkiisa oo ka yimid dalka Canada iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow, isaga oo xitaa xabsi dhigay suldaankii beesha Foor-Culus ee Murusade.

Dhammaan musharaxiintii Damu-Jadiid oo ay ku jiraan kuwa ehel la ah Xasan Sheekh ayaa lagu doortay lacag ama xoog.

Dadka caddaalad darrada lagu doortay waxaa ka mid ah, Odawaa, Mahad Salaad, Wasiirka amniga, agaasimaha iyo ku xigeenka madaxtooyada Cali Balcad iyo Saadaq iyo xubno kale oo badan.

Musharaxa kaliya ee awoodda iyo lacagta Damu-Jadiid ka badbaaday ayaa ah Cabdulqaadir Cosoble, oo isna dhaqaale iyo awoodda beeshiis Warsangeli Abgaal adeegsaday.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in cel-celis ahaan halkii musharax ee Damu-jadiid lagu doortay lacag dhan 300,000 (Sadeex boqol kun) oo dollar, xilli boqolaal Soomaali ah ay gaajo iyo harraad la joogaan.

Heerka musuq-maasuqa Xasan Sheekh, ayaa maraya in xitaa ereyga musuq-maasuq ay sharaf dhac u tahay in Xasan Sheekh lagu callaameeyo, maadaama waxa socda ay ka weyn yihiin musuq-maasuq.

Waxaa naxdin leh in beesha caalamka ay arrintan dusha ka eeganeyso.

Afar sano oo kale oo khasaartay ayaa Soomaaliya usoo socota. Allaa u maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News