25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Mususqmaasuqa & sidaan ugu milanay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waa maxay Musuqmaasuqu? 

Musuqmaasaqu waa isticmaalka uu u istcimaalo awoodiisa qof dawladda meel sare ka haystaa

(The use of power by government officials for illegitimate private gain.) Si uu ugu korodhsado ama uu u helo wax aanu xaq u lahayn.

Waxaynu kaloo odhan karnaa Musuqmaasuqu waa CABSI EEBE LA’AAN+CADAALAD DARO+SHARCI JEBIN+AWOOD KU TAGRI FAL+ MAAMUL XUMO+EEXAYSI+ISDABA MARIN= MUSUQMAASUQ.

Muddo qarni iyo dheeraad laga joogo ayaa waxaa gabay mariyey ka hadlaya Soomaalida iyo sida ay ku tahay Musuqa Maxamed Cabdille Xasan Sayiddki (AHN).Waxaana ku jirtey gabaygaasi “MUSUQMAASUQU WAA SOOMAALI MEHERADEEDE, KOLBA MIDAB AYEY KULA IMAAN MALIN IYO LEEYLE”

Musuqmaasuqu waa cadowga ugu weyn ee ka hor yimaada hor-u-marka, ay bulsho iyada ahi hiigsanayso. Ha noqota mid dhinaca siyaasadda ah, mid dhaqaalaha ah. Waxaanu hoos u dhigaa Dawlad-Wanaaga iyo Dumuqraadiyadda. ( It undermines democracy and good governance ).

Noocyada musuqmaasuqa ayaa aad u badan oo aan la soo koobi karin. Balse haddii aan taabto qaar ka mid ah (Forms of corruption vary.) Waxa aynu aad u naqaanaa oo laga isticimaalaa Soomaaliya:-

  1. Musuq Maamul xafiis (Officer Management Corruption)
  2. Musuq ku tagri fal awoodeed (powerabuse Corruption)
  3. Musuq lacag caddaan ah (Cash Corruption )
  4. Musuq Mashruuc ah (Contracts Corruption)
  5. Musuq Hanti Maguurto ah (Real Asset and Properties Corruption)
  6. Musuq Hanti Guurti ah (Machinery and Equipments Corruption)
  7. Musuq Sharci jebin (Lawinfringe Corruption)
  8. Musuq Exaysi (Friend and Family Corruption)
  9. Musuq kalasaraysiinta Qabiilada (Inequality communities Corruption)
  10. Musuq midib takoorka (discrimination Corruption)
  1. Musuq Maamul xafiis (Office Management)

Xafiisyada Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba marka masuul loo dhiibo waxaa dhacda in uu ku dhaqaaqo qodobadan soo socda:-

  1. Waxaa dhacda masuulku In uu shaqaale qorto aan shaqadii aqoon u lahayn kuna haboonayn jagooyinka (Right person right position). Tusaale qof soo bartay IT oo la geeyo Beeraha ama qof soo bartay Maaliyadda loo la geeyo sharciga.
  2. Waxaa xafiisyada lagu arkaa shaqaale aan heer wax barasho soo marin oo maamulaya shaqaale wata shahaadada heerka labaad ee (Master) ama ka sareeya isla markaana aan khibrad lahayn.
  3. Waxaa la arkaa in xafiisyada lagu shaqaaleeyo saxiibtinimo, xigto iyo dano kale oo loogu yeedho IGA QABO.
  4. Waxaa dhacda in labo masuul ay is dhaafsadaan shaqaale si aan loogu eedeyn mid walba xigtadiidsa.
  5. Waxaa xafiisyada ka dhacda in aysan soo shaqo tegin shaqaale badan oo liiska shaqaalaha ku jira mushaharna bisha u doonta.
  6. Waxaa xafiisyada ka dhacda in masuulku uu qorto shaqaale aan jirin si uu mushaharkooda u qaato badanaa waxay ka dhacdaa Ciidamada oo waxaa la dhahaa CAAGLE.
  7. Xafiisyadu nidaamka maaliyadda iyo saxiixa ma marsiiyaan lacag bixinta noocay doonto ha noqotee, tusaale xafiisyada qaarkood ma jiraan nidaam xisaabeed oo waxaa isku xiran khasnajiga iyo masuulka sare cid kale oo ogaankartaa ma jiro sida xisaabiye, maamulka khatarata (risk manager) ama waaxdaha mamaulka iyo maaliyada.
  8. Nidaamka soo iibsashada qalabka ama iska iibintu ka jiraan xafiisyada oo shaqsiyaad gaar ah aya alaga soo iibisadaa lagana iibiyaa.
  9. Waxaa si khaldan iyo si shaqsiyan ah loo isticmaalaa qalabka xafiisyada iyadoo dano gaar ah lagu fushanayo.

Haddaba Soomaaliyey tobanka nooc ee Musuq aan kur ku soo qoray hal nooc oo ka mid ah ayaan isku dayey in aan yara faahfaahiyo bal ka warama qodobada kale haddii loo galo oo la faahfaahiyo maxaa ka soo bixi kara.

Dhanka kale bal is weydiiya sidee looga bixi karaa Musuqan ina ragaadiyey?

FG.Haddii aad ka heshaan mawduucan waan soo dhammays tirayaa haddii kale si aan u joojiyo rayigiinu waa muhiim.

AFEEF WAA ARAGTIDAYDA CID GOONI AH UMA DAN LIHI, DHAMMAAN QODOBADAN OO SOO QORAY BADANKOODA WAA CADYIHIIN QAARKA KALENA BAADHITAAN IYO CADAYMO AYEY DOONAYAAN.

EEBAA MAHAD OO IDIL LEH

JAAMAC- WELI X.ISMACIIL

[email protected]

MOGADISHU SOOMAALIYA.

- Advertisement -

Read more

Local News