Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay isbedello waawayn, kadib wareegto uu soo saaray, taas oo isugu jirto magacaabis iyo xilka qaadis.
Muungaab ayaa Daa’uud Maxamed Maalin u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Dakhliyada kala duwan ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyada oo xilalkii laga qaaday Xasan Xuseen Cabdullaahi, Cumar Fareey Muuse iyo Mudane Bashiir Maxamuud Wehliye.
Daa’uud ayaa ka hor magacaabistan ahaa Wasiirka Dastuurka Gowladg-oboleedka Galmudug, isagoo ka door biday xilka agaasime waaxeedka ee maanta loo magacaabay.
Sidoo kale Shaafici Axmed Cali, ayaa isna loo magacaabay Madaxa Khidmadaha iyo Adeegyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Dowladda Hoose ee Xamar.
Waxaa kale oo isla wareegtadan lagu magacaabay Maxamuud Xaaji Cali Fiidow oo noqonaya Madaxa Gaadiidka iyo Ganaaxyada ee Waaxda Dakhliyada kala duwan Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta uu magacaabay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee Waaxda Dakhliyada kala duwan.
Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii isbeddello noocaan oo kale ah uu sameeyay gudoomiyaha gobolka, kadib markii uu mas’uuliyiin cusub u magacaabay waaxda warfaafinta ee dowladda Hoose, waxaana agaasime looga dhigay Wariye Xuseen Cabdulle.
Isbeddelladan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.
Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.