25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Muungaab oo garab istaag u muujiyay Xawaadle kadib tallaabo uu qaaday maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta garab istaag buuxa u muujiyay macawiisleyda Beesha Xawaadle, kadib tallaabo uu maanta qaaday.

Muungaab ayaa daawooyin ugu deeqay Ciidamada Difaaca Deegaanka ee ka bar-bar dagaalama Ciidamada Xoogga dalka kuwooda ku sugan gobolka Hiiraan, isaga oo ballan qaaday inay sii socon doonto taageerada maamul gobolka Banaadir ee ciidamada qalabka sida.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta gobolka ayaa waxaa deeqdaan ku guddoomay xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Hiiraan, iyadoona duqa Muqdisho uu sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa difaaca deegaanada ee dagaalka kula jira kooxaha khawaarijta.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin, agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee hormuudka haweenka gobolka Banaadir.

Duqa magaalada Muqdisho oo hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in deeqdan ay bilow u tahay taageero kale oo uu maamulka gobolka siinayo ciidamada Xoogga dalka kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Maamulka Gobolka Banaadir howlaha uu qabanayo waxaa kamid ah inuu garab istaago howlgallada lagula dagaalamayo argagixisada ee la doonayo in dalka laga ciribtiro, habeen iyo maalin ayaan u taaganahay waxay noo tahay qodob mar walba na horyaallo” ayuu yiri.

Dhanka kale, Muungaab ayaa boggaadiyay doorka reer Hiiraan ee dagaalka ka socda dalka, wuxuuna sheegay inay hormuud u noqdeen Soomaalida kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku baaqay in lagu deydo reer Hiiraan, isla markaana loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda dalka.

“Waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso oo aan u boggaadiyo walaalaha reer Hiiraan ee dagaalka qaraar ee jihaadka kula jira Khawaarijta oo Soomaalida inteeda kale u noqday tusaalaha, waxaan idin leeyahay Ilaahey SWT ha idin guuleeyo” ayuu raaciyay Muungaab.

Ugu dambeyn xildhibaannada kasoo jeeda Hiiraan oo madasha ku sugnaa ayaa maamulka gobolka uga mahadceliyay garab istaagga uu muujiyay ciidamada xaq-u-dirirka, iyaga oo sheegay in daawadan ay wax ka tari doonto xaaladaha adag ee ay wajahayaan ciidanka.

- Advertisement -

Read more

Local News