28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

MUUNGAAB oo Gubta u aqoonsaday beel, una magacaabay maamul cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay deegaanka Gubta u aqoonsaday beel ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale Gubta u magacaabay maamul cusub oo dhammaystiran, kuwaas oo kala ah:

1. Axmed Xaanshi Culusow – Guddoomiyaha beesha Gubta ee gobolka Banaadir

2. Duniyo Maxamed Caddow – Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda beesha Gubta ee gobolka Banaadir

3. Liibaan Saciid Cali – Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga beesha Gubta ee gobolka Banaadir

4. Ismaaciil Xasan Maxamed – Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada beesha Gubta ee gobolka Banaadir

5. Cabdirashiid Xuseen Cali – Xoghayaha beesha Gubta ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Muungaab ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee beesha Gubta in ay mudnaanta koowaad siiyaan horumarinta beesha, bilicda deegaanka, iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Guddoomiye Muungaab ayaa si dardar leh u shaqeynayay tan iyo markii uu dib ula wareegay xilka, waxaana lagu tilmaamay hoggaamiye si wanaagsan u garanaya shaqada loo igmaday iyo mas’uuliyadda hoggaaminta gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News