25.2 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Sawirro: Muungaab oo guddoomiyay shir looga hadlay saddex qodob oo xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee gobolka, kaas oo diiradda lagu saaray amniga, doorashooyinka iyo u diyaar garowga xilli roobaadka.

Ugu horreyn Duqa Muqdisho ayaa faray maamullada degmooyinka gobolka Banaadir in ay dardargeliyaan ilaalinta bilicda iyo nadaafadda magaalada, ka-qaybqaadashada dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyo u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka ee dhowaan ka dhici doonta Muqdisho.

Muungaab ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah xal loogu helo caqabadaha ka jira dhanka bullaacadaha, biyo-mareennada, iyo boosaneerrada si sharci-darro ah looga dhustay waddooyinka.

Waxaa kale oo uu sheegay in arrintaasi ay sii kordhiso khatarta fatahaadaha xilliyada roobabka marka ay xirmaan biyo-mareennada magaalada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay abaabulka iyo isku-duwidda bulshada si looga qaybqaato u-diyaargarowga Doorashada Golaha Deegaanka, isaga oo ku boorriyay shacabka iyo hay’adaha amniga in ay si dhow uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgelyada iyo ka-hortagga kooxaha amni-darrada sameeya.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Yabooh, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Marwo Bilan Bile Maxamuud, Agaasimayaal, iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimadda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda mashaariic hormarineed oo waa wayn, gaar ahaan qorsheyaal lagu dhisayo laamiyada iyo bulaacadaha ku yaalla caasimada.

Si kastaba, Guddoomiye Muungaab ayaa tan iyo markii la magacaabay waday dadaallo horumarineed oo ku aadan caasimada, isaga oo sidoo kale isbeddal wayn ku sameeyay hoggaanka gobolka Banaadir

- Advertisement -

Read more

Local News