Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa farriin toos ah u direy dadweynaha ku nool xarumaha dugsiyada dowladda, kaasi oo uu ku amrayo in si degdeg ah loo baneeyo xarumahaas.
Maamulka ayaa sheegay in talaabadan lagu baneynayo dhulkan ay muhiim u tahay dib u hawl-gelinta goobaha waxbarashada, si caruurta Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho tayo leh.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa fariintan jeediyay xilli uu ka qayb-galayay furitaanka imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka.
Sidoo kale wuxuu caddeeyay in maamulka uu qorsheynayo in la ballaariyo adeegyada waxbarashada ee gobolka, iyadoo kor loo qaadayo tirada ardayda dhammeysa dugsiga dhexe.
Sanadkan, waxaa imtixaanka dugsiga dhexe ka qeybgalay in ka badan 41,000 oo arday, taasoo muujinaysa koror dhan 18% marka loo eego sanadkii hore, oo ay ka qaybgalayeen ku dhawaad 35,000. Guddoomiyaha ayaa sheegay in rajo laga qabo in sannadaha soo socda ay tiradaasi gaarto ilaa 100,000 oo arday.
Dhanka kale, maamulka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in uu qorsheynayo dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyo dugsiyada dowladda. Waqtigan la joogo, dugsiyada hoos yimaada maamulka gobolka ayaa gaaraya 50 iskuul, taasoo ka dhigan koror 50% ah marka loo eego sanadkii hore.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa horay amar ugu bixisay in laga guuro 14 iskuul oo hadda loo isticmaalo hoy ku meel gaar ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loo hawlgeliyo goobahaas si ay ugu adeegaan waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.
Iskuulada la baneeynayo ayuu sheegay maamulka gobolka inay si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqadooda bisha Sebtember ee sanadkan, taasoo ku beegan bilaabashada sanad dugsiyeedka 2025–2026, iyadoo maamulku ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan dadaallada horumarinta waxbarashada.