MUUNGAAB oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah mucaaradka + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay ka qayb-galay kulan looga hadlayay dagaalkii shalay ciidamada taabacsan mucaaradka iyo kuwa ammaanka ku dhex-maray saldhigga Warta Nabadda ayaa qaaday tallaabo horleh oo ku aadan xiisadda soo korortay.

Muungaab ayaa marka hore waxa laga xumaado ku tilmaamay in mucaaradku tegaan saldhig Boolis oo ay shaqo ka socoto, kadibka ay ka abuuraan qalqaleglin amni.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay qorshahooda, gaar ahaan dibad-baxa wayn ee ay shalay iclaamiyeen xubnaha Madasha Samatabixinta oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo sheegay in Sabtida ay isugu tegaan saddex goobood oo ku yaalla caaasimada, gaar ahaan Tarabuunka, Dayniile iyo Siinaay.

“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri madxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif.

Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”

Duqa Muqdisho oo ka horyimid go’ankan ayaa isna shaaca ka qaaday in xubnaha hadlay aysan qaban karin mudaharaad, sidoo kalena aysan xukumin goobaha ay cayimeen in la’isugu tago.

“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jiro, Tarabuun adi ma xukuntid, mana u xilsaarnid Siinaay ma xukuntid meel aad u calaameyn kartana ma jirto” ayuu yiri Muungaab.

Sidoo kale wuxuu amar siiyay laamaha amniga oo uu faray in tallaabo adag ay ka qaadaan, cid kasta oo ku xadgudubta nabadda iyo xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho.

“Anigoo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa halkan ka caddeynayo oo amrayo inay cid kasta oo nabadda iyo xasiloonida magaaladan ka jirto inay wax waxyeeleyso isku deydo tallaabo sharcia waafaqsan inay ka qaadaan” ayuu sii raaciyay duqa magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u dhexeyso dowladda iyo mucaaradka oo shalay uu ka dhex-qaray dagaal toos ah, kadib markii ay isku fara saareen saldhigga degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News