Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta khamiis ah guddoomiyay shir muhiim ah oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ayaa qaaday tallaabo farxad-gelisay shacabka ku dhaqan gudaha caasimada.
Shirkan oo ahaa mid heer sare ah ayaa waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku-xigeennada maamulka ee arrimaha amniga iyo siyaasadda, arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, hawlaha guud, xoghayaha guud, taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka iyo agaasimeyaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray howlaha dardargelinta nadaafadda Muqdisho, adkaynta dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda, Maaraynta Qashinka, iyo xal-u-helidda xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex nool magaalada.
Sidoo kaelem shirka ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey caqabadaha nadaafadda caasimadda iyo sidii muddo kooban loogu gaari lahaa isbeddel muuqda oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in si adag loo dhaqan-geliyo Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka, lana dardargeliyo tallaabooyinka lagu xallinayo dhibaatada xoolaha ku dhex wareega magaalada.
Guddoomiye Muungaab oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda ay tahay waajib sharci ah iyo mas’uuliyad wada saaran dowladda, ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in maamulka uusan u dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya nadaafadda, deegaanka iyo bilicda caasimadda, isla markaana si buuxda loo dhaqan-gelin doono xeerarka lagu ilaalinayo nadaafadda Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn wuxuu faray dhammaan hay’adaha ay khusayso inay si isku-duubni ah u fuliyaan go’aamada kasoo baxay shirka.


