Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo saaka ku jarmaaday shaqadiisa ayaa qaaday tallaabo muhiim ah, isaga oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad oo casri ah oo laga hirgelin doono qaar kamid ah degmooyinka gobolka.
Xarumahan ayaa waxaa lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhammaystiran, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka ee bulshada Muqdisho, sida uu ballan qaaday maamulka gobolka.
Munaasabadda dhagax-dhigga mashruucan ayaa lagu qabtay Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee Waaberi, iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno katirsan bahda Caafimaadka.
Xafiiska guddoomiyaha gobolka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in mashruucan lau dhisi doono isbitaallo waa wayn iyo xarumo MCH oo laga dhisayo illaa 11 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, si ay uga faa’iideystaan bulshada Soomaaliyeed.
Ujeedka ayaa ah in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo tayo leh.
“Mashruuca caafimaad ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo MCH, kuwaas oo laga dhisayo 11 degmo oo ka tirsan Muqdisho ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo kaabayaasha caafimaadka, gaar ahaan adeegyada hooyada iyo dhallaanka, si loo hubiyo in dhammaan hooyooyinka iyo caruurta ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, waxaa lasii raaciyay “Mashruucan ayaa sidoo kale ka tarjumaya ballanqaadka maamulka ee ilaalinta xuquuqda caafimaad ee bulshada iyo hubinta u sinnaanta helitaanka adeegyada caafimaad”.
Guddoomiye Muungaab oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dhammaan xarumaha caafimaad ee la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo ka dhigaysa mashruucan mid muhiim u ah bulshada danyarta ah, si looga baaqsado in ay ku tiirsanaadaan adeegyada caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah.
Waxaa kale oo uu khudbadiisa kusoo hadal qaaday doorashooyinka soo socda, isaga oo ku boorriyey shacabka in ay tagaan xarumaha laga qaadanayo kaararka codeynta, maadaama qaybinta kaararku si rasmi ah u bilaabatay.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka xusuusiyay in ka qaybgalka doorashadu yahay waajib muwaadinnimo iyo tallaabo muhiim ah oo dhisaysa dimuqraadiyadda iyo xasilloonida gobolka.


