27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Muungaab oo shaaciyay in sanadka 2026 aan Muqdisho lagu arki doonin…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta furay waddada Nasiib Buundo ee degmada Shibis, taas oo dib u dhis lagu sameeyay, ayaa sameeyay ballan-qaad weyn.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in sanadka berri bilaabanaya ee 2026 aan caasimadda Muqdisho lagu arki doonin waddooyin burbursan.

Waxa uu xusay in magaalada Muqdisho inteeda badan laga dhigi doono laami casri ah, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo nolol magaalo oo casri ah.

“Maanta waxa aan u taagannahay mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ka socda dalka, gaar ahaan xarig-ka-jarka Waddada Nasiib Buunde ee degmada Shibis, taas oo si rasmi ah u dhammaatay,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waddadan aad maanta arkaysaan waa mid si heer sare ah loo dhisay, waxaana si buuxda u maalgelisay Dowladda Hoose ee Muqdisho.”

Guddoomiyaha ayaa shacabka ka codsaday in ay doorkooda ka qaataan horumarka caasimadda, sida dib u dhiska waddooyinka iyo nadaafaddooda, taas oo haatan ay ku howlan tahay Dowladda Hoose ee Xamar.

“Sanadka cusub Muqdisho laguma arki doono laami burbursan iyo waddo bacaad ah, hadafkeennu waa Muqdisho oo dhisan oo amni ah oo kaabayaal dhaqaale leh oo wax weliba u dhammaystiran yihiin, haddii Alle Idmo,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, guddoomiyuhu waxa uu ku dhawaaqay dhismaha waddooyinka Soddonka, Warshadaha iyo Jamhuuriyo, kuwaas oo dhammaantood ah halbowlayaal muhiim u ah isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimadda.

Waddada Nasiib Buundo oo isku xirta jidka Beexaani ilaa Maanaboolyo ee degmada Shibis, ayaa sidoo kale qayb ka ah qorshe ballaaran oo horumarineed, iyadoo la bilaabay wajiga labaad ee dariiqan oo ka billaabanaya Boondheere isla markaana gaaraya ilaa darbiga Madaxtooyada Qaranka.

Mashruucan waxaa sidoo kale qayb ka ah rakibidda nalalka ku shaqeeya tamarta cadceedda (solar), kuwaas oo kor u qaadaya amniga iyo bilicda waddooyinka, xilliyada habeenkii.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News