Muuqaal: Foodo iyo buuq ka dhashay soo dhaweynta Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Guddoomiyaha cusub ee Gobokka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana loo soo dhaweeyey si heer sare inkastoo ay dhacday buuq iyo foodo ka dhalatay soo dhaweyntiisa.

Is bar bar yaac, buuq iyo nidaam la’aan ayaa hareeyay soo dhoweyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, xilli uu saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

waxaa ka muuqatay Paratocol xumo qaabka loo diyaariyay soo dhoweynta Guddoomiyaha oo ay ka qeyb galeyn Mas’uuliyiinta iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Foodada iyo nidaamka xumida ka jirtay soo dhaweyntiisa ayaa sababtay inuu  Mr Taabid awoodi waayay inuu mid mid u gacan qaado dadka, iyadoo dadka ay is buuranayeen, sidoo kale waxaa layaab lahaa in dad isugu jira Wariyeyaal, Ilaalo iyo Mas’uuliyiin ay ku hareereysnaayeen, dadkana ay riixayeen.

Qaska iyo jahwareerka ka jiray goobta soo dhoweynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa koox dooneysay inay la wareegto Guddoomiyaha oo dadka ka celinayay inay salaamaan

Guddoomiyaha cusub ayaa durbaba u muuqda inuu ku dhex dhacay, koox lagu yaqaan marka ay Madax la doorto ama yimaadaan inay isku ag maqiiqaan, iyagoo ay ka tahay boos raadsasho iyo ku camirasho, waxayna arrintaas noqotay mid ka baxsan nadaamka soo dhaweynta.

Guddoomiyaha ayaa markii dambe si nabadgalyo ah looga saaray buuqa, wuxuuna saxaadadda siiyey qudbad ku saabsan imaanshihiisa muqdisho iyo magacaabista loo magacaabay Guddoomiyaha iyo duqa Muqdisho.

Halkaan hoose ka daaawo sawirada arrintaan foodada ah ee dhacday.

Sidoo kale halkaan hoose ka dhageyso hadalkii uu Thabit siiyey Saxaafadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com