Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta Xabsi loo taxaabay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo loo heysto tacadiyo.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa Xabsigiisa amar ku bixiyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, iyadoo ay xabsiga ku hubsadeen ciidamo ka tirsan Booliska, halka xarigiisa uu ka xukmiyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Ethiopia.
Ciidamada ayaa Cabdi Cumar ka kaxeeyay guriga uu magaalada Addis Ababa kaga sugnaa, kadib markii la amray in loo wareejiyo Xabsi.
Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa baahisay in la xiray Cabdi Maxamuud Cumar ka dib Markii shalay ay Xasaanadda ka qaaden xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono Cabdi Maxamuud Cumar.
https://www.youtube.com/watch?v=6yJA9e6ALFs