25.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Muuqaal shaki dhaliyay oo soo baxay “Miyuu Coldoon dartiis xarig ku muteystay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa baraha Bulshada Qabsaday Muuqaal laga duubay Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo dood adag ay dhexmareyso xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ismaamulka Soomaalida.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Nimcaan Xamare oo kamid ah baarlamaanka Ismaamulka Soomaalida, ayaa si adag u sheegay in Cabdi Maalik ay ku kala aragti duwan yihiin fikirka Somaliweyn.

Wuxuu sheegay in isaga uu yahay xildhibaan balse uu aaminsan yahay in Ethiopian nimada ku weyn tahay, islamarkaana aan laga xigin Soomaali nimada.

Balse Cabdi Maalik ayaa qabay fikir kaa ka duwan, waxaana uu soo qaatay qodobo dastuurka Ethiopia ku qoran oo Soomaalida u oglaanaya inay ka tashadaan aayahooda.

Cabdi Maalik waxaa laga xiray deegaan uu kasoo jeedo, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in loo xiray, maadaama deegaanka ay doonayaan inay ka sameeyaan Filim ka hadlaya dhibaatadii xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar u geysatay dadka deegaanka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cabdi Maalik hadda xoriyadiisa dib u helay, isaga iyo labo wariye oo lala xiray, kadib markii la geeyay magaalada Jigjiga.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News