Muuse Biixi oo xujo adag ku xiray tegitaanka shacabka Somaliland ee Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June, ayaa soo hadal-qaaday wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ee dhowaan ka dhacay dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa sheegay in lagu heshiiyey inaanan laga hor-imaan karin wixii aan siyaasad la xiriirin, sida isu socodka, dhaqaalaha, cayaaraha iyo ganacsiga shacabka labada dhinac.

Si kastaba, madaxweynaha Somaliland ayaa shuruud iyo xujo adag ku xiray tegitaanka dadka Somaliland ee magaalada Muqdisho.

“Is dhexgalka kale wuxuu ku xirnaanayaa, tusaale ahaan koox cayaareysa kubadda cagta ayaaba la doonayaa inay tagto Koonfur, waa inay taggaan ayagoo Basaboorka Somaliland sita, oo Dowladda Somaliland dirtay, oo magaca Somaliland ku cayaaraya,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Koox muusik ah ayaa tageysa waxay ku tageysaa Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland ayagoo sita. Qof muraad u socda waa yeelkii, laakiin wixii hay’ad ah ama koox ahi waxay ku taggi karaan Basaboorka, Calanka iyo magaca Somaliland. Fiiso ayay siineysaa Muqdisho, waa loogu dhufanayaa, haddii intaa la waayo cidina taggi mayso. Waayo is gaadi mayno, iyagu ma ogola inay sidaa yeelaan oo fiiso bixiyaan, waxay inoo arkaan Gobolada Waqooyiga, inaguna tab ayagoo kale tab ahee, waxaanu u aragnaa laba dowladood inaan nahay. Qof aan Basaboorka Somaliland loo fiiseyneynin isu taggi maayo.”

Madaxweyne oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ma xiri karno lacagta iyo ganacsiga is dhexgalay, ma xiri karno qofka sodogii soo siyaaranaya, qofka qof buka u tagaaya ama qof shakhsiya muraadkiisa u tagaaya. Iminka iyo haddeer labada dhinacba waa wada socdaan.”

Somaliland ayaan lahayn baasaboor la aqoonsan yahay, waxaana dhici doonin in Muqdisho lagu aqbalo baasaboor Somaliland, taasi oo hadalka Muuse Biixi ka dhigeysa mid lagu xujeenayo dadka Somaliland ee raba inay tagaan caasimadda Soomaaliya.