25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Capetown (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa muwaadin Soomaaliyeed oo habeenimadii xalay lagu dilay xaafadda Booysenpark ee magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Sharmaarke Aadan Muxumad, waxaana burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku fureen rasaas.

Allaha u naxariistee, Sharmaarke ayaa markaas ku sugnaa dukaankiisa ganacsi, iyadoo dableydii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen isla markiiba.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadadu ahaydna baaritaanno ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Inkastoo boolisku sheegay inuu bilaabay baarista kiiskan dilka, haddana ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkaas.

Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro isugu jira dilal, dhaawacyo iyo dhac loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ka ganacsada.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheegta inay wax ka qabanayso dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku nool waddankaasi, balse weli ma muuqato qorshe cad oo looga hortago weerarrada iyo tacaddiyada lagu hayo ganacsatada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News