28.5 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Muwaadiniin laga soo celiyay dalka dibaddiisa oo laga soo dejiyay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen.

Dadkaas oo isugu jira rag, dumar iyo carruur yar yar ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo toos uga timid Yemen, kaddib markii lagu waray inay halkaas kala kulmeen xaalado nololeed oo adag.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ku qaabilay muwaadiniintaas garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dib u soo celinta waxaa si wadajir ah u fuliyay Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dalkooda dib ugu soo celiso muwaadiniinta ku dhibban dalalka kale.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta ku soo dhoweyno muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa Yemen. Dowladda waxay dammaanad qaadaysaa nolosha iyo daryeelka dadkaas inta ay si nabad ah ugu laabanayaan deegaannadooda,” ayuu yiri wasiirka.

Muwaadiniintan ayaa ka mid ah Soomaalida sannadihii la soo dhaafay dhibaatooyin badan kala kulmay colaadaha iyo duruufaha adag ee ka taagan dalka Yemen.

Dhawaan ayey aheyd markii Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.

Dowladda ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.

Si kastana, waxaa jira dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalal kale oo Afrika ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay sii dayntooda qaar, hase yeeshee dedaallada lagu sii deynayo inta weli ku xiran ayaa wali socda.

- Advertisement -

Read more

Local News