28.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Muxiyaddiin Kilkilow iyo askar nabad sugid ahaa oo Muqdisho lagu dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubaysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin Nabadoon ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Dilka Nabadoonkaan, oo lagu magacaabay Muxiyaddiin Kilkilow ayaa waxaa gaystay dabley hubaysan oo watay Bistoolado, kuwaasi oo ka baxsaday goobtii ay ku dileen Nabadoonka, iyadoo saaka la soo aasay Nabadoonkaasi.

Ciidamada Booliska Dharkiinley ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dilka Nabadoonkaasi loo gaystay.

Dhinaca kale Kooxo hubaysan ayaa goor dhaw tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duleedka Muqdisho waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda.

Askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa watay sida ay Goobjoogayaal sheegeen Mootada nooca fekonta, waxaana la sheegay in sidoo kale ay toogteen rag hubeysan oo iyana Mooto watay,halkaasna ay isaga baxsadeen.

Ciidamo Boolis ah ayaa saacado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi kasoo qaaday Medyka askari balse aaney u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan kooxii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in raggii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ay horay u sii qaateen Qori nooca AK47 ah oo uu watay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News