26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Muxuu ahaa ujeedka shirka ka dhacay New York ee uu guddoomiyay Xasan Sheekh?

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaalya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada New York oo uu u tegay Meertada 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa halkaas ka wada kulamo duceedyo muhiim u ah Soomaaliya.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo qeybgalay saaxiibbada caalamiga ah iyo deeq-bixiyeyaasha oo xoogga saarayey maalgelinta howlgalka AUSSOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta guddoomiyey shirka weyn oo ku saabsan maalgelinta hawlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagaga arrinsayey garab istaagga amniga iyo xasilloonida dalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa muujiyey mudnaanta ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero dhaqaale oo joogto ah, si loo xaqiijiyo amniga, loo dhiso awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, loona sii ambaqaado jidka xasilloonida iyo madax-bannaanida dalka.

Sidoo kale inta uu socday shirka Dawladda Federaalka iyo bahwadaagta caalamiga ah ayaa soo bandhigay qorshayaasha dhaqaale ee hawlgalka iyo sida loo xaqiijin lahaa taageerada dhaqaale ee amniga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay kabka miisaaniyadeed ee Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddooyinka dambe xoojinyay dadaallada dhaqaalaha loogu raadinayo howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana dhawaan Addis Ababa uu uga qayb-galay kulan shan geesood ah oo ay yeesheen isaga, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kaas oo looga arrinsanayey maalgelinta Howlgalka AUSSOM.

Kulankaas waxaa kaloo ka horreeyay mid kale oo uu dhowaan Madaxweyne Xasan Madaxtooyada Qaranka kula yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa cusub ee howlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiisha ugu sarreysa ee hoggaamisa howlgalkaasi, kaas oo isna looga hadlay caqabadaha haysta AUSSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Ururka Midowga Afrika uu la daala dhacayo culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

- Advertisement -

Read more

Local News