Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyahay shirka guddi-hoosaadka xubnaha golaha wasiirrada ee siyaasadda loo dhanyahay, kaas oo ka dhacay xafiiskiisa.
Shirka oo ay inta badan kasoo qayb-galeen xubnaha golaha wasiirada ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta doorashada iyo dhammaystirka dastuurka.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada hirgelinta doorashada iyo sidii ay xukuumaddu u qaadan lahayd doorka kaga aaddan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo ay ka qayb qaadan karaan dadweynaha.
Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa faray golihiisa wasiirada ee ku jira Guddi-hoosaadka siyaasadda Loo dhan yahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta wax yaabaha loo baahan yahay, si ay doorashadu u hirgasho, iyada oo xoogga la saarayo wacyigelinta dadweynaha, si ay faham buuxa uga helaan muhiimadda ay leedahay in muwaadinku codkiisa u dhiibto si xor ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlaha doorashooyinka looga dambeynayo guddiga lasoo dhisay, xukuumaddana ay kala shaqeyn dooto sidii loo gaari lahaa qof iyo cod.
“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Dhammaan hey’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa kale oo kulankan lagu soo qaaday warbixinno la xiriira dhammeystirka Dib-u-eegista Dastuurka cutubyadiisa 5aad ilaa 9aad, iyo halka uu marayo diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo heer gabo-gabo ah ku dhow.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo weli is mari waa uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah.