Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ka shanqariyay in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa hadalkaasi si adag u dhaliilay Col. Barre Hiiraale oo kamid ahaa dhinacyadii halkaasi isku hayay.
Col. Barre ayaa sheegay in go’aanka Madaxweyne Xassan uu Axmed Madoobe ugu yeeray Madaxweyne Gobol uu yahay mid uusan ka fiirsan, islamarkaana ay ku noqon doonto mid sababteeda wax laga weydiin doono maadama uu dalka leeyahay Dastuur Udub dhexaad u ah Hogaanka iyo shuruucda dalka.
Wuxuu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid Khilaafsan dastuurka, isla markaana Madaxweyne aanu magacaabi karin Madaxweyne kale, sida uu hadalka u dhigay.
Barre Hiiraale waxa uu tilmaamay in Madaxweyne Xassan uu ku degdegay in Saxaafada uu ka hor cadeeyo in Axmed Madoobe uu yahay Madaxweyne, taasina ay aheyd in marka hore latashiyo lagala sameeyo Beelaha ka cabanaayo Axmed Madoobe ee ku nool Kismaayo.
Haddalka Col. Barre Hiiraale ayaa waxa uu daba socdaa hadal uu maalinimadii shalay Warbaahinta Maxaliga ka sheegay Xildhibaan Dahir Amiin Jeesoow oo ahaa in Madaxweyne Xassan uusan Axmed Madoobe ku magacaabi karin Madaxweyne Gobol, haddii ay taasi dhacdana ay go’aan ka gaari doonaan Golaha Shacabka oo kawar qaba qoraalada ku jira Dastuurka ee ku aadan Arrimaha Gobolada dalka.
Dhageyso wareysiga Barre Hiiraale ee BBC
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]