26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Muxuu Cirro la wadaagay xisbiyada mucaaradka Somaliland? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay xisbiyada maamulkaasi ee kala ah Wadani, Kaah iyo Kulmiye, isaga oo kala hadlay xaaladda guud ee Somaliland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimaha ictiraafka ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale hoggaanka xisbiyada la wadaagay warbixin guud oo la xiriirta xaaladda Somaliland iyo dadaallada hormarineed ee ay waddo xukuumaddiisa.

“Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay arrimaha Ictiraaf Raadinta, hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay waxa loogu yeedho e-Visa iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay Xukuumaddu guulo waaweyn ka soo hoysay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Hoggaanka Sare ee Saddexda Xisbi Qaran: WADDANI, KAAH iyo KULMIYE; oo ay ka socdeen min saddex xubnood.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Uga horrayn, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay la kulankooda, isaga oo sheegay in kulankani uu ka mid yahay kulamadii wada-tashiga-Qaran ee uu M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu yeedhi jiray Hoggaanka iyo Madaxda Sare ee Saddexda Xisbi Qaran.

Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Xisbiyada Qaranka uga xog warramay xaaladaha guud ee amniga dalka, dedaallada Xukuumadda ee nabadaynta Ceerigaabo oo uu Madaxweynuhu sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaadhay.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay arrimaha Ictiraaf Raadinta, hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay waxa loogu yeedho e-Visa iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay Xukuumaddu guulo waaweyn ka soo hoysay.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga dhici lahaayeen Doorashooyin Daah-furan, xor ah oo ku qabsooma xilligii loo muddeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadda ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan diyaarinta dhammaan kharashaadka Diwaangelinta iyo Doorashooyinka soo socda.

Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranku waxa ay M/weynaha uga mahad naqeen kulanka wada-tashiga ah ee uu ugu yeedhay, iyaga ooaragtidooda ka dhiibtay, si mug lehna uga dooday arrimaha horyaalla Qaranka JSL ee khuseeya in Doorashooyinka Goleyaasha Qaranku ku qabsoomaan waqtigoodii, wixii farsamo ahna loo daayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Qaranka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

- Advertisement -

Read more

Local News