27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Muxuu Faroole ka yiri shirkii uu la galay Gaas iyo Cumar C/rashiid?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Senetar ka tirsana aqalka sare ayaa ka hadlay shir dhex maray isaga iyo madaxweynaha Puntland & ra’iisul wasaaraha dalka.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid laga qariyay warbaahinta uuna ahaa mid wada tashi ah oo seddexdooda dhex maray, walow markii dambe uu ku biiray C/risaaq Jurile.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid looga hadlayay arimo u gaar ah maamulka Puntland.

Wararka shirka kasoo baxay ayaa sheegay in masuuliyiintaasi ku hishiiyeen iney mideeyaan codadka xildhibaanada ay ka helayaan marka ugu dambeyso ee doorashada.

Dhinaca kale madaxweynihii Hore Puntland ayaa beeniyay in uu ka taanasulay Musharaxnimadiisa, waxaana uu sheegay in uu yahay musharax u taagan Qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,islamarkaana aysan jirin cid uu uga tanaasulay musharaxnimadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News