Muxuu Donald Trump u qaadacay in weerarkii Las Vegas uu ku tilmaamo weerar argagixiso?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la weeydiiyay in falkii uu geystey Stephen Paddock ku tilmaami lahaa ‘mid argagixiso oo maxali ah’, balse wuu diiday in uu sidaas sheego.

Trump wuxuu Paddock ku tilmaamay “nin xanuunsan”, isaga oo sidoo kale balanqaaday in ay dib u eegis ku samayn doonaan xakamaynta hubka Maraykanka.

Paddock ayaa hub badan gatay ka hor inta uusan weerarka qaadan, qolkii uu ka deganaa Hoteel Mandaleya Bay, waxaa laga heley 23 qori iyo kumanaan rasaas ah.

Paddock ayaa wuxuu toogasho ku diley 59 qof, 500 kalana wuu dhaawacay kadib markii uu oodda uga qaaday rasaas ka dheceysay qori ah nooca darandooriga u dhaca.

Falkaas ayaa noqday dhacdadii ugu xumeyd oo dad intaa la’eg lagu laayo, taariikhda dhow ee Maraykanka.

Markii uu waagu dilaacay, midab dabahi ah ayuu yeeshay darbiga dhismaha Hotel Mandaleya, meel ku beegan halkii uu rasaasta kasoo hurgufey Paddock. Waxaa la arki karaa daaqado burburay.

Waddooyinka, xarkaha jaalaha ah ee booliiska ayaa wali ku xeendaaban halkii ay wax ka dhaceen, iyada oo leelarkii ka ifayay caweyskii caanka ahaa ee Las Vegas la baqtiyay.

Dad badan oo baroordiiq samaynaya ayaa isugu yimid meelaha qaar, kuwaas oo shumacyo shiday.

Donald Trump ayaa weeraro argagixiso ku tilmaamay kuwo midkan ka qasaaro yar oo Maraykanka ka dhacay.

Waa kuma Stephen Paddock?

Paddock waxaa la sheegay in uu ahaa nin ladan oo xisaabiye hore ahaa, islamarkaasna haystay shatiga duuliyenimada, iyo shatiga ugaarsiga, mana lahayn wax diiwaan hore oo dambi ah.

Balse qof mar daris la ahaan jirey ayaa sheegay in uu qof qamaarka aad u ciyaara, islamarkaasna dhaqamadiisa ahaayeen kuwa aad loola yaabo.

Mid ka mid ah saraakiisha booliiska Las Vegas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in ay jiraan sababo loo rumeysan karo in Paddock uu ahaa qof xagga maskaxda isaga buuqsanaa.

Nin lagu magacaabo David Famiglietti oo leh bakhaar hubka lagu iibiyo oo magaciisu yahay New Frontier Armory ayaa BBC-da u sheegay in dukaankiisa uu hubka ka iibsaday Paddoc gu’gii sanadkan, wuxuuna sheegay in Paddock uu waafaqay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka hubka iibsanaya oo ay ka mid tahay in qofka laga eego diiwaanka dambiileyaasha ee FBI-da.

Balse waxa uu intaas ku daray in qoriga uu isticmaalay laga yaabo in uu farsamo dheeraad ah ku daray , haddii kale aysan suurtogal ahaan lahayn in uu sidaas u shanqaro, qasaaraha intaas la’egna geysto mudada sidaas u gaaban.

FBI-da waxa ay sheegtay in aysan helin wax raad ah oo muujinaya in Paddock uu xiriir la lahaa koox argagixiso ah oo Maraykanka dibadiisa ku nool.

Erick Paddock oo ah ninka la dhashay Stephen Paddock ayaa sheegay in aabahood uu ahaan jiray nin bangiyada dhaca, kaas oo ku jirey liiska FBI-da ee dadka loogu doondoonista badanyahay.

Kaarto ay ciidamada dhajiyeen sanadkii 1969-kii ayaa waxaa ka muuqda sawirka Patrick Benjamin Paddock., waxaana ku qoran in ninkan uu qabo xanuunka maskaxda.

Patrick ayaa la qabtay sanadkii 1978-dii isaga oo ku sugan gobolka Oregon. Waxa uu dhalay 4 wiil oo uu Stephen u weynyahay.

Erick Paddock oo wiilasha ugu yar ayaa korey isaga oo u malaynaya in uu aabihiis dhintay, balse sanado ka hor markii uu tagay machad ciidammada cirka ayaa waxaa loo sheegay in aabihiis uu noolyahay, yahayna qof horey uga tirsanaan jiray ciidammada oo geesinimo lagu yaqiinay. Mar aan sii fogeyn ayuu dhintay Patrick Benjamin Paddock sida ay faafiyeen warbaahinta Maraykanka.

Sida ku qoran warbixin ay uu faafiyay taleefishinka NBC News, Stephen Paddock ayaa dhawaan ciyaaray qamaar lacagtiisa dhantahay kumanaan kun oo doolar, balse ma cadda in uu guuleystay iyo in uu guuldaraystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com