Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin ayaa qoraal kasoo saaray doorashada maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu ku tilmaamay “doorasho qof iyo qasab ah”.
Fahad ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu inkiray taariikhda gobollo dalka kamid ah, xilli uu ku faanayay doorashada uu ka qabsaday Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
“Madxaweyne Xasan, guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorasho qof iyo cod ah umaba aqoonsana guul ay umaddiisu leedahay! Puntland doorashdii qof iyo codka ahayd ee ay qabteen uma yaqaano guul ay shacabkiisu hanteen,” ayuu yiri Fahad.
Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynihii Jamhuuriyada uu ku faanayo “doorasho dhan walba ka dhaawacan, qof iyo qasab ku dhisan oo hal magaalo kaliya ah.”
Hoos ka aqriso qoraalka Fahad oo dhameystiran:
Doorashada Qof iyo Qasab
Madaxweyne Xasan waa inuu ka cadurdaartaa inkiraadda taariikhda gobollo dalka ka mid ah. Xilka loo dhaariyey sow Madaxweynaha Jamhuuriyada maahan?
Madxaweyne Xasan, guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorasho qof iyo cod ah umaba aqoonsana guul ay umaddiisu leedahay! Puntland doorashdii qof iyo codka ahayd ee ay qabteen uma yaqaano guul ay shacabkiisu hanteen.
Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay wuxuu muujinayay farxad iyo faan xadka dhaafay. Waxaan ka yaabay, marna ma soo hadal qaadayo Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul oo hirgaliyey doorasho si buuxda u haysatay sharciyad iyo ogolaansho.
Puntland markay qabaneysay doorashadaas Madaxweyne Xasan waa kii ku handaday inay burburayso, maantana wuu dafirayaa taariikhdooda.
Nasiib darro Madaxweynihii Jamhuuriyada wuxuu ku faanayaa doorasho dhan walba ka dhaawacan, QOF iyo QASAB ku dhisan oo hal magaalo kaliya ah.

