28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Muxuu Farmaajo ka yiri aqoonsiga Israel ee Somaliland?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Farmaajo ayaa xad-gudub ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland, oo caalamka u aqoonsanaa maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Sharciga caalamiga ah wuxuu Israa’iil ku waajibinaya in ay ixtiraamto gobonimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. In la aqoonsado qayb ka mid ah Soomaaliya waa xadgudub weyn,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isagoo shacabka ku booriyay inay u istaagaan difaaca midnimadooda iyo qarannimadooda.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Dadkeenu waxay si adag uga midaysan yihiin difaaca qaranimadooda,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa galinkii dambe ee maanta si rasmi ah u shaaciyay in dalkiisu uu u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, isagoo ku dhawaaqay in labada dhinac ay yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, furashada safaarado, iyo is-dhaafsiga danjireyaal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu xaqiijiyay in Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, iyo Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay wada saxiixeen bayaan wadajir ah oo ku saabsan aqoonsiga labada dhinac.

Netanyahu ayaa xusay in tallaabadani ay waafaqsan tahay “Ruuxda Heshiisyada Ibraahim” (Abraham Accords), oo ah hannaan uu Mareykanku garwadeen ka ahaa oo lagu caadiyeynayay xiriirka Israa’iil iyo dalalka Carabta/Islaamka.

Dhawaaqa Netanyahu, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole looga hortagayo tallaabadan, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu khadka telefoonka kula hadlay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Turkiga, Masar iyo Jabuuti.

Saddexdan dal ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin “Soomaali hal ah”, iyagoo si adag uga horyimid aqoonsiga ay heshay Somaliland.

Wasiiradda ayaa sidoo kale waxay adkeeyeen in jebinta midnimada dalalka ay khatar ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyagoo si adag u muujiyay diidmadooda ku aadan qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin.

- Advertisement -

Read more

Local News