Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale ka hadlay Cadaalad darida ka jirta Garsoorka Somalia.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo inay jirto Cadaalad darro laga qabo dhanka Garsoorka, waxa uuna sheegay in dowladiisu ay waxbadan ka qaban doonto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay culeys weyn saari doonto dib usoo nooleynta Cadaalada waxa uuna cod dheer ku sheegay inay wadaan qorshooyin lagu soo celinaayo Cadaalada luntay.
”Wey naga go’an tahay inaan cadaalada ka mirro dhalino waayo dal iyo dad aan cadaalad heysan waxa ay ka dhigan tahay wax aan jirin”
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Cadaalad darida ay burburiso jiritaanka dowlada waxa uuna cadeeyay inay la xisaabtami doonaan shaqsiyaadka hormuudka u ah Hay’adaha amaanka.
”Cadaalad darida ka jirta dalka waxaan kala xisaabtami doonaa shaqsiyaadka ka mas’uulk ah Hay’adaha khuseeya Garsoorka dalka”
”Uma dulqaadan doono in Somalia ay kusii baahdo cadaalad daro iyo musuq-maasuq, waxaan xaqiijinayaa in dowladeydu aysan kasii shaqeyn doonin shaqsiyaadka lagu tuhmo musuqa iyo ka macaashan cadaalad darida”
Docda kale, Madaxweynaha ayaa mar kale Hay’adaha Garsoorka uga digay inay isku dayaan in Cadaalad darro ay ku xukmiyaan howlaha ay hayaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com