29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Muxuu Firdhiye kala hadlay xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metalo DF? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo weli ku sugan Muqdisho ayaa sii wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiinta dowladda iyo wakiilada beesha caalamka.

Firdhiye ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada SSC-Khaatumo ku metelo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, isaga oo kala hadlay masiirka maamulkaas iyo dardar-gelinta hawlaha hortebinta u leh SSC-Khaatumo.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka, iyaga oo iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, maadaama lagu jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo mid doorasho oo si weyn la’isugu hayo.

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sidoo kale xildhibaannada uu la kulmay dalbaday inay sii xoojiyaan dadaallada ay wadaan, ayna qayn ka noqdaan horumarinta SSC-Khaatumo oo haatan ah dowlad-goboleed cusub.

“Hoggaamiyaha ayaa xildhibaanada uga mahadceliyey dadaalkooda, isagoo sidoo kalana ku booriyey laba-jibbaarka hawlaha baaxadda leh ee horyaal ka qaran ahaan iyo Dawlad-goboleed ahaanba” ayaa lagu yiri qoraal oo ay kulanka kasoo saartay SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ka waday gudaha caasimada, isaga oo taageero u raadinayo maamulka uu hoggaamiyo oo dhowaan uun aqoonsi ka helay dowladda federaalka, kadib booqashadii uu Ra’iisul wasaaraha ku tegay Laascaanood.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale Muqdisho u yimid ka qayb-galka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan ka dhacay Villa Soomaaliya, isaga oo markii ugu horreysay ku metalay reer SSC-Khaatumo, kadib markii uu ku casuumay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu ku biiray xisbiga Cadaaladda iyo Wadajira (JSP) oo maalmo kahor looga dhowaaqay Muqdisho, isla markaana uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale qayb ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News