Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhacdooyin argagax leh oo ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, oo siyaabo kala duwan loogu dilay dad rayid ah.
Guddiga ayaa cambaareeyay dhacdadii deegaanka Ari-Caddeeye, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laayeen dad shacab ah oo gaaraya illaa 21 qof, isla markaana ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu dilay.
Sidoo kale, wuxuu guddigu ka hadlay 10-kii qof ee ku dhintay dagaal beeleedka degmada Jalalaqsi iyo guryihii shacabka ee lagu gubay halkaasi.
“Guddigu wuxuu si dhow ula socday xaaladaha labada dhacdo ee Ari Caddeeye iyo Jalalaqsi, isagoo qiimeyn hordhac ah ku sameeyay xogaha la helay. War-saxaafadeedkani wuxuu ku salaysan yahay qiimeyntaas hordhaca ah, iyadoo Guddigu sii wadi doono la socodka xaaladda iyo wadashaqeynta hay’adaha iyo dhinacyada ay khusayso, si waafaqsan waajibaadkiisa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiram;-
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) wuxuu si adag u cambaareynayaa falkii arxan darrada ahaa ee lagu laayay dadka rayidka ah ee Ari-Caddeeye, Gobolka Sool, halkaas oo ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur iyo dad waayeel ah, si aan kala sooc lahayn loogu dilay. Guddigu wuxuu sidoo kale cambaareynayaa rabshadihii ka dhacay Degmada Jalalaqsi, Gobolka Hiiraan, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, laguna gubay guryo ay lahaayeen dad rayid ah. Guddigu wuxuu si weyn uga walaacsan yahay beegsiga dadka rayidka ah, burburinta hantidooda, barakaca qoysaska iyo saameynta culus ee bini’aadanimo ee ka dhalatay falalkaasi.
Guddigu wuxuu si dhow ula socday xaaladaha labada dhacdo ee Ari Caddeeye iyo Jalalaqsi, isagoo qiimeyn hordhac ah ku sameeyay xogaha la helay. War-saxaafadeedkani wuxuu ku salaysan yahay qiimeyntaas hordhaca ah, iyadoo Guddigu sii wadi doono la socodka xaaladda iyo wadashaqeynta hay’adaha iyo dhinacyada ay khusayso, si waafaqsan waajibaadkiisa.
GMXIQ wuxuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha, dhammaan dhinacyaduna muujiyaan isxakameyn, ilaaliyaan dadka rayidka ah iyo hantidooda, isla markaana u hoggaansamaan waajibaadkooda ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sharciyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Guddigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha awoodda u leh ee Maamul Gobolleedka Waqooyi Bari inay sameeyaan baaritaanno degdeg ah, madax-bannaan, dhexdhexaad ah oo hufan, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan loogana jawaabo baahiyaha bini’aadannimo ee qoysaska ay saameeyeen dhacdooyinkani.
GMXIQ wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay laba jibaaraan dadaallada lagu dejinayo xiisadaha, laguna xoojinayo wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta, si loo gaaro xal nabadeed oo waara.
Ugu dambeyn, Guddigu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada iyo qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii lagu dilay rabshadahaasi, wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeynayaa dhammaan dhaawacyada. Sidoo kale, GMXIQ wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ka hortagga colaadaha ka dhaca Soomaaliya.


