Muxuu Korneel Caare ka yiri guul-darrada Somaliland ee dagaalka Laascaanood?

Laascaanood (Caasimada Online) – Korneel Saciid Cawil Caare oo horay u soo noqday hoggaamiyaha jabhad la dirirtay Somaliland, balse markii dambe la heshiiyay Muuse Bixi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Sool.

Korneel Caare ayaa si lama filaan ah uga hadlay guul-darrada ciidamada Somaliland kasoo gaartay dagaalkii ugu dambeeyay ee looga qabsaday taliskii ugu weynaa ee Goojacadde.

Waxa uu tilmaamay in guul-darradu ay keento guul, isla-markaana loo baahan yahay in la dhiso muraalka ciidamada, isaga oo tacsi u dirayu askartii ku geeriyootay dagaalkaasi

“Dhammaan ciidamada qaranka ee Laascaanood kasoo guuray arrinta ku dhacday aad-baan uga xumahay, laakiin guusha waxay ku jirtaa inaad guul dareysan karto, waxayna u wanaagsan tahay guushaada dambe” ayuu yiri Korneel Saciid Cawil Caare.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ciidamada Somaliland waxaan leeyahay in badan waad guuleysateen, haddii maanta la’idinka guuleystay, berri ayaad guuleysan doontaan”.

Caare oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin culus u diray guud ahaan shacabka Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamadooda ku sugan jiidda dagaalka.

“Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay is barbar taaga ciidanka” ayuu mar kale yiri Korneel Saciid Cawil Caare.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday dagaal beeleedkii maalin ka hor ka dhacay duleedka degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Korneelka ayaa ugu baaday beelaha diriraya inay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ay Somaliland u dirtay halkaasi.

“Qolada Ceel-Afweyn waxaan leeyahay ma ilbaxdaan, kama il baxdaan qof aad dishaan war dadku nolosha ayuu ku wacan yahay joojiya xabadda, ciidankana la shaqeeya” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan ay SSC dharbaaxo kulul ku dbhufatay Somaliland, kadib markii ay ka qabsaday xerada Goojacadde iyo maxaabiis fara badan.